Man United oo Doonaysa In Ay Hal Mar Wada Dhamaystirto Laba Saxiix.

0
130

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay rajeyneyso inay doonayso in ay hal mar dhamaystirto labada saxiix ee xiddigaha Raphael Varane iyo Eduardo Camavinga iyaga oo doonaya in ay ku dhamaystiraan kaliya 75 milyan oo euro.

Daafaca dhexe ee Varane ayaa la sheegay inuu ogolaaday ku biirista Man United laakiin wali kooxda ayaan la heshiin Real Madrid kuwaas oo wali rajo ka qaba sii joogista xiddiga.

Dhanka kale xiddiga da’yarka ah ee khadka dhexe Camavinga ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe Rennes ayaana ku qasban in ay iska iibiso xiddiga halkii ay lacag la’aan ku waayi lahayd xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here