libaaxyada loo Haysto sidii Xayawaanka guri joogta ah oo laga Mamnuucay Dalka Kamboodiya.  

0
138

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Libaaxa ayay maamulka dalka Kamboodiya kala wareegeen bishii hore nin xannaaneyn jiray ayaa hadda u celiyey ka dib markii faragalin lama filaan ah uu ku sameeyay arrinka ra’iisal wasaaraha dalkaas. Libaaxaan aarka ah oo 18 bilood jir ah ayaa waxaa si sharci darro ah dalka ku soo galiyay muwaadin u dhashay dalka Shiinaha sida ay saraakiisha Kamboodiya sheegeen.

Mas’uuliyiinta ayaa sameeyay baaritaanno ku saabsanaa Libaaxaan kadib markii muqaallo looga duubay magaalada Caasimadda ah ee Phnom Penh, la soo dhigay barta TikTok . Aarkaan ayaa la qabtay 27-kii bishii la soo dhaafay ee Juun,iyadoo xiligaas loo wareejiyay xaruun lagu badbaadiyo xayawaanaadka.

Tan iyo xiligaas milkiilaha Libaaxa, ee ka soo jeeda dalka Shiinaha laguna magacaabo Zhai Xinjiang ayaa warbaahinta gudaha u gudbinayay codsiyo ku saabsan in dib loogu soo celiyo Libaaxiisa dalabyadaas oo lagu daabacay wargaysyada iyo baraha bulshada.

Axaddii ayaa ra’iisal wasaare Hun Sen wuxuu ka jawaabay codsiga ninkaan Libaaxu ka maqnaa.Wuxuu sheegay inuu arrintaa kala hadlay wasiirkiisa beeraha Veng Sakhon isla markaana uu ogolaaday in libaaxa loo celiyo milkiilihii.

Wasaaradda deegaanka Kamboodiya ayaa iyana sheegtay inay sharci darro tahay in libaaxyada loo haysto sidii xayawaanka guri joogta ah. Wasaaraddu waxay daliishatay qodobka 49-aad ee sharciga keymaha, kaas oo mamnuucaya in xayawaanka halista ah guryaha lagu hyasto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here