Real Madrid oo Bilaabatay Tababarka Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub.

0
170

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u bilaabatay tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyada oo xiddigaha kooxda ee aan ka qayb ahayn waajibaadka xulalkoodu soo xaadireen tababarka.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa maanta La kulmay xiddigaha kooxda markii ugu horaysay tan ilaa markii loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda kana badalay shaxda tababare Zidanedine Zidane.

Ancelotti ayaa maanta hogaamiyay 13 xiddig oo kooxda ah kuwaas oo bilowday tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo maray baadhitaanka tijaabada caafimaadka ka hor tababrka.

Xiddigaha Marcelo, Dani Carvajal, Lucas Vazquez, Ferland Mendy iyo Martin Odegaard ayaa ka mid ahaa xiddigaha maanta sida Rasmiga ah u soo xaadiray tabaabrka kooxda Real Madrid ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Wakhtigan ayaan markii hore ahayn midkii loogu tala galay in ay xiddiguhu soo xaadiraan tababarka laakiin tababare Ancelotti ayaa hal todobaad horay u soo dhigay tababarka kadib markii loo magacaabay tababaraha kooxda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here