Dowladda Mareykanka oo ka Jawaabtay Lacag Deeyn ah oo lagu lahaa Ardayda Dalkaasi ku Nool.

0
137

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mareykanka Ardayda dhameysa Jaamacadaha waxaa lagu yeeshaa deyn badan oo isugu jirto tan Waxbarashada & Dulsaarka muddo sugitaanka ah, waxa ay taasi keentay in uu soo farageliyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

43 Milyan oo Arday waxaa lagu leeyahay lacag dhan $1.73 Tirilyan, Madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka waxa uu hakiyay soo celinta lacagtaas & faaiidada dulsaaran ilaa dhamaadka September 2021.

Jiilka koowaad ee qoysaska ku cusub Mareykanka ayaa u badan amaahda dulsaarka la socota, Dowladda Federaalka ayaa Daraasad la sameeyay lagu ogaaday in muddo dheer ay deyn furanayeen si ay ugu gungaaraan Mustaqbalkooda.

Ardaygu marka uu dhameeyo Jaamacadda ee uu shaqo helo waxaa laga jaraa deynta uu qaatay, Madaxweyne Biden waxa uu ololahiisa ku sheegay in uu ka cafinayo $10,000 (Toban kun oo dollar) inkasta aanay fulin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here