Talyaaniga oo Tartanka Euro 2020 Ka Saaray Wadanka Belgium-ka.

0
128

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka kubadda cagta Talyaaniga ayaa 2-1 ku garaacay Belgium una gudbay wareegga Siddeedda oo ay isku haleeli doonaan Spain.

Laba gool oo qurux badnaa oo qaybtii hore ay dhaliyeen ayaa Talyaaniga ugu filnaanay inay iska xaadiriyaan wareegga siddeedda, halka Belgium oo fursado badan heshay ay kaliya hal gool oo rikoodhe ahaa heleen dhamaadka qaybta hore

Daqiiqaddii 13aad ayuu Leonardo Bonucci gool u dhaliyey Talyaaniga, kaddib markii uu shafka kusii riixay kubbada, siina dhaafiyey Thibaut Courtois, hase  yeeshee markii ay dabbaal-degga dhamaysteen ayaa laga soo eegay VAR, meeshana laga saaray goolkaas.

Romelu Lukaku ayaa labad fursadood oo cajiib ahaa iska lumiyey daqiiqadihii ugu horreeyey ka hor inta goolka naxdinta ah aanu Bonucci ku argagax gelin, laakiin waxa uu midna u dhiibay Donnarruma midka kalena wuxuu dulmariyey goolka.

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa dabbaal-degay daqiiqaddii 31aad, markaas oo gool qurux badan uu u dhaliyey laacibka da’da yar ee Nicola Borella oo kubbad uu difaaca kala dhex-baxay dhinaca midig ka dhigay Courtois oo qaban kari waayey.

Kubaddan ayaa waxa kasoo shaqeeyey laacibka khadka dhexe ee Marco Verratti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here