Philippe Coutinho oo Ku Laabanaya Horyaalka Serie A-da.

0
387

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Philippe Coutinho ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay kooxda AC Milan, iyadoo Rossoneri ay dooneyso inay buuxiso booskii uu banneeyay Hakan Calhanoglu oo ku biiray kooxda ay isku magaalada yihiin ee Inter bishii hore.

Xiddiga qadka dhexe ee weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus oo jilibka ah bishii December taas oo keentay in uu kaliya ciyaaro 14 kulan xilli ciyaareedkii hore tartamada oo dhan.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddigaha aan muhiimka ahayn si ay hoos ugu dhigto mushaharka waxana ay xiddiga 29 jirka ah u aragtaa xiddig aan ka mid ahayn qorshaha tababare Ronald Koeman xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo kooxda Barcelona ayaa Ac Milan qaab amaah ah ugu soo bandhigtay xiddiga reer Brazil kaas oo dhankiisa doonaya in uu isaga tago kooxda Barcelona.

Ac Milan ayaa xiddiga Coutinho u aragta badalka Calhanoglu kaas oo ka tagay kooxda kuna biiray kooxda ay magaalada ku xafiiltamaan ee Inter Milan kadib markii uu dhacay heshiiskiisu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here