Mohamed Salah oo Laga Reebay Xulka Qaranka Masar.

0
167

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa laga reebay xulka qaranka Masar ee ka qayb-gelaya ciyaaraha Olambikada ee lagu qabanayo waddanka Japan.

Liverpool ayaa ku ducaysanaysay in aanu Salah ku riixin in loo ogolaado inuu dalkiisa ku hoggaamiyo ciyaaraha Olambikada, waxaanay hore u sheegtay in aanay ogolaan doonin, balse tababaraha xulka dalkaas ayaa isaguna ku adkaysanayay in Mohamed Salah uu soo qaadan doono.

Tababare Shawky Gharib ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda xulkiisa Masar oo ka kooban 22 ciyaartoy oo uu ka maqan yahay Mohamed Salah, kaddib markii ay Liverpool diiday inay fasaxdo laacibkan.

Shawky Gharib waxa kale oo uu xulka dalkiisa ka reebay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Mohamed Elneny oo la filayay inuu qayb ka noqon doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here