Imaaraadka oo Dadkiisa Ka Mamnuucay Inay U Safraan Dalal ay ka mid Yihiin India iyo Uganda.  

0
123

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Imaaraadka waxay Muwaadinintooda ka joojiyeen inay u safraan 14 Waddan oo horey dadkooda loo diiday inay Imaaraadka soo galaan.

Qoraal ka soo bajxay Dowladda Imaaraadka ayaa lagu xusay inay dadka Iimaaraadka u dhashay laga mamnuucay inay u safraan dalalka kala ah: India, Pakistan, South Africa, Bangladesh, Nepal, Sri Lanka, Vietnam, Namibia, Zambia, Kongada Dimuqraadiga, Uganda, Sierra Leone, Liberia iyo Nigeria.

Dhinaca kale, Shirkadaha Diyaaraadaha Imaaraadka ee Etixaad waxay mamnuucday Dhoofayaasha ka soo baxayaan dalalkaasi oo uu ka dillaacay nooca cusub ee Delta ee Xanuunka Laayaanka ee COVID 19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here