Tirada Dadka udhintay Cudurka Covid-19 ee Dalka India oo Korortay.

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – India dadka u dhintay Xannuunka Covid-19 ayaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dambeysay, tirada guud dadka u geeriyooday Coronavirus waa 400,312 (Afar boqol oo kun, saddex, toban iyo labo ruux) sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka.

Dhimashadu waxa ay korortay kadib markii 24-saac lagu diiwaangeliyay geerida 837-ruux (Siddeed boqol, soddon & todobo qof), waana suuragal in geeridu intaas ka badato maadaama bukaanno kala duwan oo la ildaran xannuunka ay jiifaan isbitaallada.

Mushkiladdu waxa ay timid markii la waayay Oksijiinka guud ee dalka, Daqiiqad weliba waxaa neef la’aan u dhimanayay tobaneeyo ruux, Dowladda ayaa sheegtay in ay awoodi weysay in ay dhameystirto Baahida loo qabyo neefta dabiiciga ah (Oxygen).

39-Cishe waxaa India ku geeriyootay 100,000 (boqol kun oo ruux) sida ay daabacday Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xigatay saraakiisha Caafimaadka, Ehelka Bukaannada iyo ilo kala duwan.

Dadka u dhintay Covid-19 guud ahaan Caalamka waxa ay India kasoo gashay Booska Saddexaad, keliya waxaa ka sareeya Mareykanka & Brazil, balse bukaannada guud ee jirkooda laga helay fayruska waxa ay ku jirtaa Booska labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here