Man United oo Ku Dhaw Saxiixeedii 2-aad ee Suuqa Xagaagan.

0
204

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Manchester United ayaa ku sii dhawaaneysa saxiixa daafaca Real Madrid Raphael Varane.

Xiddiga reer France ayay 12 bilood uga hadhsantahay heshiiskiisa kooxda Real madrid waxana uu diiday in uu kooxda heshiis cusub u saxiixo.

United ayaa xiiso wakhti dheer ah u haysay xiddiga Varane waxana ay Man United doonaysay saxiixisa todobaadyadii ugu dambeeyay.

Real Madrid ayaa go’aansatay in ay iska iibiso xiddiga iyaga oo ka cabis qaba in ay qaab xor ah ku waayaan xagaaga dambe waxana ay ku qiimeeyaan 70 milyan oo euro.

Wargayska ESPN ayaa sheegaya in ay Man United qarka u saarantahay in ay dhamaystirto saxiixa Varane kaas oo ay ku dhamaystiri doonto lacag dhan 45 milyan oo euro waxana ay horumar fiican ka samaysay wadahalada ay kula jirto kooxda Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here