Kooxdii Premier League ee Mushaharka 10ka Milyan ee Gini U Bandhigtay Ramos oo la Shaaciyey.

0
157

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sergio Ramos ayaa iska diiday mushahar 10 milyan oo Gini ah oo ay u bandhbigtay koox Premier League ah, waxaanu ka doortay Paris Saint-Germain oo la sheegayo inuu heshiis laba sannadood ah u saxeexayo isagoo ka qaadanaya mushahar intaas ka yar.

Difaaca reer Spain oo si xor ah uga tegay Real Madrid oo uu muddo 16 sannadood ah u ciyaarayay ayaa waxay kooxdiisa ku heshiin waayeen qandaraas cusub, waxaana sidaas kusoo afjarmay waayihiisii Santiago Bernabeu.

Shalay ayaa la sheegay in heshiis uu la gaadhay PSG oo uu qalinka ku duugayo qandaraas laba sannadood ah, waxaana magaalada Paris jooga Sergio iyo walaalkii.

Ka hor intii aanu Ramos ogolaanin heshiiska PSG, waxa uu dalab lacag badan ka helay kooxda horyaalka Premier League ee Manchester United oo u bandhigtay heshiis uu sannadkii ku helayo mushahar £10 milyan oo Gini ah.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonayay inuu helo difaacan ruug-caddaaga ah, laakiin dalabka ay u bandhigeen ee uu toddobaadkii ku qaadanayo £200,000 Gini ayaan qancin, waxaanay sababtu tahay tirada sannadaha ay Manchester United u bandhigtay oo ah sannad kaliya, halka PSG ay laba sannadood doonayso inuu u ciyaaro.

Kaddib markii ay waayeen Sergio Ramos, Manchester United ayaa dardar gelisay qorshaha ay ku doonayso difaaca kale ee Real Madrid ee Raphael Varane oo ay ku dalbanayaan £50 milyan oo Gini.

Laacibkan ayaa qandaraaskiisa Bernabeu ay ka hadhsan yihiin 12 bilood oo kaliya, waxaanay Los Blancos doonaysaa in ay iibiso xagaagan ka hor inta aanu si bilaash ah kaga tegin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here