Kooxda Arsenal oo Qarka U Saaran In ay Waydo Saxiixa Ben White.

0
132

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa qarka u saaran in ay lumiso fursad ay ku heli karto saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Brighton ee Ben White kaas oo si aad ah loola xidhiidhinayay saxiixiisa todobaadyadii ugu dambeeyay.

Kooxda Everton ayaa dalab Rasmi ah oo dhan kii ay Arsenal diiday miiska saartay kaas oo ah lacagta ay kooxda Brighton ku qiimayso xiddiga Ben Whited.

Iyada oo Arsenal diiday in ay bixiso lacagta ay Brighton doonayso ee 50-ka milyan ah wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Everton miiska saartay lacagtaas waliba horumar ka samaysay baacsiga ay ugu jirto xiddiga reer England.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Ben White markii hore doonayay ku biirista Arsenal laakiin uu haatan go’aankiisa badalay kadib markii ay Everton si deg-deg ah ugu dhaqaaqday saxiixiisa.

Kooxda Everton ayaa haatan la filayaa in ay maalmaha soo socda ku dhawaaqdo saxiixa daafaca dhexe iyaga oo ka dhigan doonta saxiixa ugu horeeya ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here