Dalka Nigeria oo laga Mamnuucay Boombalada sida Bini’aadamka loo suro Dharka.

0
119

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Boombalada sida bini’adamnka loo suureeyay ee dharka lagu xayeesiiyo gaar ahaan kuwa dumarka laga matalay ayaa waxaa laga mamnuucay gobol ku yaalla waqooyihga Nigeria ka dib marki ay maamulka sheegeen in ka soo horjeeddo shareecada Islaamka.

Boombalooyinka noocyadaas oo kale ah ayaa “sidoo kale mas’uul ka ah fikradaha anshax darrada ah ee ka dhex dhaca qaar ka mid ah dadweynaha”, sida uu sheegay madaxa booliiska arrimaha diinta ee gobolka Kano, ee halkaasi Hisbah laga yirahdo.

“Booliska Hisbah ayaa mamnuucaya isticmaalka boombaloyinka ee dukaamada, goobaha ganacsi iyo xitaa guryaha la degan yahay ee gaarka loo leeyahay iyo goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan.”

Gobolka Kano waa mid ka mid ah 12ka gobol ee Nigeria ee looga dhaqmo shareecada Islaamka iyo sharciyada madaniga ee dalka u yaalla.

Inta badan Muslimiinta dalkaas waxay ku nool yihiin waqooyiga Nigeria, keliya Muslimiinta ayaana lagu xukumaa maxkamadaha shareecada.

Maxkamadda sare ee shareecada islaamka ee ku taalla Kano ayaa go’aamisay in Yaxya Maxamed Shariif Aminu uu diinta aflagaadeeyay xilli uu qaaday hees si weyn loogu baahiyay barta WhatsApp

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here