TikTok oo Barteeda ka Saartay Carruurta da’doodu ka yartahay 13 sano.

0
137

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – TikTok ayaa sheegtay in ay ku qiyaastay cinwaanadaas in ka yar 1% marka la barbardhigo tirada guud ee isticmaaasha bartooda.

Carruurta da’doodu tahay 13 sano iyo wixii ka weyn ayaa loo oggol yahay inay isticmaalaan barta TikTok, iyada oo la sheegay in ay aad u jecel yihiin dhalinyarada.

Waxay sheegtay inay rajaynayso faahfaahinta ku saabsan dadka da ‘yarta ee adeegsada inay “ka caawin doonto shirkadaha inay horay u sii socdaan markay tahay daah furnaanta iyo isla xisaabtanka ku saabsan badbaadada isticmaaleyaasha”

TikTok ayaa sidoo kale sheegtay inay soo saartay dhowr tallaabo oo lagu ilaalinayo dhalinyarada ku jirta bartooda, oo ay ku jiraan xaddidaadda astaamaha sida farriimaha gaarka loo leeyahay iyo toos u socoshada dadka isticmaala ee ay da’doodu tahay 16 sano jir iyo wixii ka weyn.

Dadka – oo u badan dhallinyaro – waxay barta u adeegsadaan in ay soo dhigaan muuqaal 15 il-briqsi ah. Qaarkood heeso ayay dhageysanayaan, kuwana majaajilo iyagoo adeegsanaya farsamooyiin aan caadi ahayn oo muuqaalka ay ku jarjaraan.

Muuqaalkaas wuxuu gaarayaa asxaab ay dadkaas garanayaan iyo kuwa kale. Sida caadiga ah, dhammaan cinwaannada waa kuwo qof kasta uu daawan karo, inkastoo qofka cinwaanka sameysta uu dadka qaar ah ku soo darsan karo.

App-kan oo laga leeyahay Shiinaha ayaa dadka ugu badan ee isticmaala yihiin dhalinyaro waxaana sii kordhaya walaaca laga qabo saamaynta ay ku yeelan karto.

Xogta loo dusiyay wargayska New York Times sanadkii la soo dhaafay ayaa lagu sheegay in seddex meelood meel dadka isticmaala Mareykanka ay da’doodu tahay 14 iyo wixii ka yar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here