Sergio Ramos oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Kooxda PSG.

0
168

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Daafaca dhexe ee Sergio Ramos ayaa qarka u saaran in uu ku biiro kooxda PSG sida ay sheegayaan wararku xilli uu xiddigu bilaa koox yahay.

Saxafiga Fabrizo Romano ayaa sheegay in uu xiddiga khabiirka ah qarka u saaranyahay in uu ku biiro kooxda PSG maalmaha soo socda kadib markii uu ka tagay kooxda Real Madrid.

Daafaca dhexe ee Sergio Ramos ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Real Madrid kadib 16 sano oo uu difaacay maaliyada kooxda kooxdana kula guulaystay koobab badan.

Wakiilka Sergio Ramos ayaa haatan ku sugan maagalada Paris si uu u dhamaystiro faah-faahinta heshiiska uu daafacu ugu biiri doono kooxda ka dhisan caasimada France.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in uu Ramos taijaabada caafimaadka u mari doono kooxda PSG maalmaha soo socda si uu u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda PSG

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here