Lionel Messi oo la Shaaciyey Kooxda uu ku Biiri Doono.

0
210

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Lionel Messi oo xalay xor ka noqday Barcelona kaddib markii uu dhamaaday heshiiskiisii, waxaanay taasi soo afjartay 20 sannadood oo uu ka tirsanaa kooxdan.

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa maanta sheegay inuu jeclaan lahaa inuu shaaciyo, in Lionel Messi uu sii joogayo Barcelona laakiin aanu haddana awoodin illaa hadda oo aanu jirin heshiis ay la gaadheen laacibkaas

Arbacadii ayaa ugu dambaysay Lionel Messi inuu qayb ka ahaado liiska ciyaartoyda Barcelona, waxaanu si toos ah uga baxay xalay saqdii dhexe.

Sida uu dhigayo sharciga horyaalka Spain ee La Liga, Lionel Messi ayaa loo xisaabin doonaa inuu yahay ciyaartoy cusub oo kusoo biiray Barcelona haddii uu saxeexo heshiis cusub, taasina waxay keeni doontaa in qiimayn lagu sameeyo mushaharkiisa, nooca heshiis iyo dawladda oo canshuuro dheeraad ah ka heli doonta.

Si kastaba, koox lama filaan ah ayaa dalab kasoo gudbisay Lionel Messi, waana naadi uu isaguba hore u qirtay in ay suurtogal tahay in inta aanu ka fadhiisan ciyaaraha uu waqti kusiiq aato.

Kooxda reer Argentina ee Newell’s Old Boys ayaa dalab usoo dirsatay Lionel Messi oo hore ugu ciyaari jiray waqtigii uu carruurta ahaa oo uu kasoo baxay kulliyaddeeda illaa 12 jirkiisii uuna joogay illaa uu uga wareegayay Barcelona.

Qoraal lagu baahiyey barta Twitterka Newell’s Old Boys ayaa lagu yidhi: “Hi Leo, ma joogtaa? Hadd ma ku sugan tahay Argentina dhexdeeda, waa 1da July…”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here