Barcelona oo Bilowga Xilli Ciyaareedka Cusub Waayi Doonta Xiddig Muhiim Ah.

0
221

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xidhiidhka kubada cagta Spain ee RFEF ayaa diiday dalabkii Barcelona ee ahaa in ay Xiddiga Da’yarka ah ee khadka dhexe ka ciyaara ee Pedri ka reebaan Liiska xiddigaha xulka u matali doona ciyaaraha Olymipc-da ee bilaaban doona wakhti dambe oo bishan ah.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ka mid ah 6 xiddig oo xulka Spain ee waaweyn oo lagu daray Liiska xiddigaha xulka uga qayb gali doona tartanka Olympic-da.

Barcelona ayaa ka wal-walsan in uuna xiddigu heli doonin wax nasasho ah ka or bilowga xilli ciyaareedka cusub marka loo eego in uu haatan xulka uga qayb galayo tartanka Euro 2020 waliba uuna qaadan doonin tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ka hor inta uuna bilaaban xilli ciyaaareedka cusub ee La Liga.

Si kasta ha ahaatee Pedri ayaa donaya in uu ciyaaro ciyaaraha Olympic-da xidhiidhka Spain ayaanan doonayn in ay reebaan xiddiga.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa kadib ciyaaraha Olympic-da ciyaari doona in ka badan 70 kulan marka la isku daro kulamadii xulka iyo kooxda Barcelona ee xilli ciyaareedkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here