Kylian Mbappe oo Raaligelin ka Bixiyay Rigooradii Xulka France ee ka Reebtay Koobka Euro 2020.

0
185

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kylian Mbappe ayaa warbixin raaligelin ah wuxuu soo dhigay barahiisa bulshada ka dib markii uu qasaariyay rigooradii xulka France ka reebtay Koobka Euro 2020.

Xiddiga Paris Saint-Germain Mbappe ayaa ku guuldareystay inuu ka dhex muuqdo koobka Qaramada Yurub ee sannadkan, kulankii xalay oo France iyo Switzerland isku dhaafi waayeen barbaro 3-3 ah, wuxuu ku guuldareystay inuu dhaliyo rigoore taasoo reebtay xulka France.

Switzerland ayaa ka soo laabatay 3-1 oo lagu hogaaminayay iyagoo labo gool oo degdeg ah dhaliyay 10kii daqiiqo ee ugu danbeysay taasoo sababtay in waqti dheeri ah la isla aado.

Ka dib sagaal rigoore oo la tuuray ayaa lagu guuleystay in la dhaliyo ka hor inta uusan goolhaye Yann Sommer rigoore ka badbaadinin Mbappe ka dib barbaro 3-3 ahaa oo ay labada xul ku galeen magaalada Bucharest.

Mbappe oo weli lala xiriirinayo inuu ka tago PSG ayaa garoonka ka baxay isagoo ooyaya, wuxuuna fariin raaligelin ah soo dhigay barahiisa bulshada ee Twitter iyo Instagram.

“Muruga i heysa waa mid aad u weyn ka dib haritaankeenii, waan gaari weynay yoolkeena” ayuu soo qoray.

“Raaligelin ayaan ka bixinayaa rigooradii aan qasaariyay. Waxaan doonayay inaan kooxda caawiyo laakiin waan ku guuldareystay. Inaan hurdo waa ay igu adkaan doontaa laakiin nasiibdarro waa guul iyo guuldarada isboortigaan waxa aan aadka u jeclahahay.

“Waan ogahay taageerayaashiinaan inaad niyadjabsan tihiin laakiin waxaan weli doonaa inaan idiin kaga mahadceliyo taageeradiina had iyo jeer iyo inaad ina aaminsaneydeen.

“Waxa ugu muhiimsan ayaa ah inaan sarre joogsano anagoo sidaan ka xoog badan marka kale ee aan tartan ka qeybgaleyno.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here