Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay Haaman kusoo caariyay Xeebta Cadalle

0
228

JOWHAR (Radio isnaay) Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowlad Goboleedka Hir-Sabeelle ayaa ka hadashay Haaman kusoo caariyey Xeebta Degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Maamulka Hir-Shabeelle Xuseen Maxamuud Turyare ayaa ka digay Dhibaatooyinka ka dhalan kara Haamankaasi, isaga oo  Shacabka Degmada Cadalle ugu baaqay in ay ka fogaadaan inta laga hubinayo Qataraha ka dhalankara Haamankaas.

Wasiirka ayaa Cambaareeyey Maraakiibta Shishiiye ee waxyeelada u geysanaya Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Xeebaha Gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhowr jeer oo hore sidaan oo kale Haaman kuso caariyeen Xeebta Ceel Macaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here