Dhaawcyadii De Bruyne Iyo Hazard Oo War Laga Soo Saaray

0
172

JOWHAR (Radio isnaay) Tababaraha xulka kubadda cagta Belgium ee Roberto Martinez ayaa warbixin kasoo saaray dhaawacyada Kevin de Bruyne iyo Eden Hazard oo kulankii Portugal waxyeello kasoo gaadhay, isla markaana beddel lagaga saaray.

Kevin de Bruyne ayaa baxay daqiiqaddii 3aad ee  bilowga qaybta dambe iyadoo uu dhaawac kasoo gaadhay kuraanta dhamaadka qaybta hore, halka Eden Hazard la beddelay ciyaarta oo sii dhamaanaysa.

Labadan xiddig ayaa la xaqiijiyey inay seegi doonaan kulanka adag ee wareegga siddeedda ay kula ballansan yihiin xulka qaranka Talyaaniga oo Jimcaha ay kulmi doonaan.

Tababare Roberto Martinez ayaa warbaahinta u sheegay in Hazard iyo De Bruyne aanu midkoodna ciyaari doonin kulanka Jimcaha ee Talyaaniga, laakiin ay diyaar u noqon karaan kulamada xiga haddii ay soo gudbaan

Waa war noo wanaagsan. Eden iyo Kevin ma qabaan daawacyo waaweyn, kooxda ayaanay kasii mid ahaan doonaan. Laakiin taam buuxa uma noqon doonaan Jimcaha. Wajiga xiga ayay taam u noqon doonaan inay ciyaaraan.” Ayuu yidhi Roberto Martinez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here