Wayne Rooney Oo Magacabaay Xiddig Ingiriis Ah Oo Ay Tahay Inaan La Ciyaarsiinin Kulanka Germany

0
219

JOWHAR (Radioisnaay) Wayne Rooney ayaa ka baqaya halista xulka qaranka Germany marka ay iska hor yimaaddaan England, waxaanu dareensan yahay in jab xooggan soo gaadhi karo dalkiisa oo ay ka hadhi doonaan tartanka Euro haddii aanu Gareth Southgate la imanin shax iyo xeelad dagaal.

Xulka qaranka England ayaa wareegga 16ka ugu soo gudbay laba guulood iyo barbarro iyagoo soo dhaliyey laba gool oo kaliya, halka Jarmalku ay kulankii ugu dambeeyey barbarro lasoo galeen Hungary oo gool uu waqti dambe u dhaliyey Leon Goretzka oo ay ku barbarreeyeen ay kusoo baxeen.

Wayne Rooney oo kulamadii waddankiisa la socday ayaa rumaysan in loo baahan yahay, in Gareth Southgate uu kusoo galo shax adag, kana fogaado inuu sameeyo gol-daloolooyin dili kara dalkiisa.

Waxa kale oo uu u sheegay, in ay jiraan meelo uu ka liito waddanka Jarmalka oo ay tahay inay abbaaraan si ay goolal uga dhalin karaan.

Rooney oo taageero u ah laacibka khadka dhexe ee Jack Grealish ayaa u sheegay Southgate in ay tahay in la fadhiisiyo laacibkan khadka dhexe, isla markaana uu kusoo bilaabo saaxiibkiisii hore ee Man United ee Marcus Rashford, si ay uga faa’iidaystaan orodkiisa.

Isagoo u warramayay wargeyska The Times, waxa uu Rooney yidhi: “Anigu kuma soo bilaabeen Jack Grealish kulanka Germany. Waxa uu ka mid ahaa ciyaartoydii ugu wanaagsanaa kulankii Czech Republic ismana beddel fikirkii aan isaga ka qabay.

“Laakiin waxa aan hadda ka fikirayaa sida loo ciyaarayo kulanka Germany. Kuwa kaasoo horjeeda waxay u baahan yihiin habab kala duwan, ciyaarta Salaasadana waa noocii Marcus Rashford, mana aha noocii Jack.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here