Wadanka Bangladesh oo laga helay Kiisas cusub oo Covid 19 ah.

0
121

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dad aad u badan ayaa buux dhaafiyay goobaha gawaarida laga raaco ee magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh, si ay uga baxsadaan xayiraadda coronavirus ee lagu soo rogay magaalada.

Xayiraaddan oo barri dhaqan geli doontaayaa waxay ku qasbeysaa qof walba oo ku nool Bangladesh inuusan ka bixin gurigiisa, ila xaalad deg deg ah maahee.

Sidaas darteed, dadka ayaa ka qaxaya magaalada ciriirga ah iyaga oo doonaya inay aadaan tuulooyinkooda.

Kiisaska Covid ee dalkaas ayaa aad u kordhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here