Chelsea oo ka Hadashay Xiisaha Man City Ay Ku Dooneyso Saxiixa Reece James.

0
197

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Chelsea ayaa jawaab siisay dhiggooda Man City kuwaasi oo doonaya saxiixa  xiddiga garabka ka ciyaara ee Reece James

Waxaa sii xoogeystay wararka tilmaanaya in City dadaal ku bixineyso in Chelsea ku qanciyaan in laga  ibiyo Reece James inta  suuqa xagaaga uu furan yahay

Talk Sport ayaa sheegeysa in Chelsea haatan cadeeyeen go`aankooda ku aadan  Reece James kaasi oo soo bandhigaya  heer ciyaareed indhaha soo jiitay

Waxa ay Chelsea ku war giliyeen City in Reece James uusan iib aheyn , ayna marnaba suura gal noqon doonin in xagaagaan iibiyaan

” Reece James waa lama taabtaan , qorshayaasha macalin Tochel ee xilli ciyaareedka bilaabanaya ayuu qeyb ka yahay” ayay Chelsea sii raaciyeen warkooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here