Kooxda Barcelona oo Ciqaab adag kala kulmi doonta Maamulka Laliga.

0
167

Jowhar- (Radio Isnaay)-     Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa mashaqo madaxa la gelaysa, waxaanay halis ugu jirtaa in lagu soo rogo ciqaab adag oo la kowsanaysa  bilowga xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaan wali u hoggaansamin oo aad uga sarraysa xuduudka iyo khadka loo xidhay kooxaha ee la xidhiidha lacagta ay mushaharka u bixin karayaan xilli ciyaareedkii, taas oo dhamaadka xilli ciyaareedkii hore uu soo saaray aamulka LaLiga.

annad kasta, LaLiga ayaa soo saara lacagta ay kooxuhu mushaharka u bixin karayaan iyadoo loo eegayo dhakhliga soo galay sannadkii hore, waxaanay taasi dhaawac weyn ku noqotay Barcelona

Kaddib heshiisyadii Sergio Aguero, Eric Garcia, Emerson Royal iyo Memphis Depay, waxay Barcelona ka shaqaynaysaa sidii uu Lionel Messi qandaraas cusub u saxeexi lahaa iyadoo uu laacibkan heshiiskiisii hore ku egyahay Arbacada toddobaadkan.

Sida ay sheegtay warbaahinta RC1, Barcelona ayaa maraysa ciqaab adag haddii uu sii joogo Lionel Messi, waxaana laga doonayaa in mushaharka kooxda ee sannadkan laga dhimo 200 milyan oo Euro, taas oo aan ahayn wax suurtogal ah.

Madaxweyne Joan Laporta ayaa hore u sheegay in xaaladda dhaqaale ee Barcelona ay ka liidato sidii uu moodayay, isagoo daboolka ka qaaday in 100 milyan oo Euro oo kasta laga doonayo in 25% ay yareeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here