Qaramada Midoobay oo Walaac ka Muujisay  Kiisaska Covid-19 ee Qaarada Afrika

0
115

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – WHO ayaa sheegtay in kiisaska ay kor ugu kaceen 474,000, shan toddobaad oo isku xiga, laga soo bilaabo bishan 20kii bishan June.

Ururuka wuxuu sheegay in kororkan kiisaska uu muujinayo faafitaan ka dhakhso badan kii labaad ee qaaradda, oo bilaawday horaantii sanadkan.

WHO ayaa eeda dusha ka saaraysa dhowris la’aanta talaabooyinka caafimaadka ee bulshada oo daciif ah, kororka is-dhexgalka iyo dhaqdhaqaaqa bulshada, iyo sidoo kale faafitaanka mowjadda nooca cusub ee cudurka oo markii ugu horreysay laga helay India oo laga soo sheegay 14 dal.

Ururka wuxuu sheegay in 1% hal oo kaliya dadka reer Afrika si buuxda loo talaalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here