Muxuu Ahaa Qoraalka Uu Jurgen Klopp U Diray Jordan Henderson Ka Hor Kulanka England vs Germany?

0
169

JOWHAR (Radioisnaay0 Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson oo dhexda uga ciyaara xulka qaranka England ayaa daboolka ka qaaday farriimo qoraal oo ay isweydaarsadeen tababarihiisa Jurgen Klopp, kaas oo isaguna la safan dhinaca xulka dalkiisa Germany.

Tababare Jurgen Klopp ayaa farriimo qoraal ah u diray Henderson isla markii uu soo baxay isku-aadka wareegga 16ka tartanka Euro ayna caddaatay in England iyo Germany ay ku wada ciyaarayaan garoonka Wembley fiidka habeenka Arbacadu soo gelayso.

Laacibka khadka dhexe ee reer Enlgand ee Henderson oo ka sheekaynaya wixii ay xambaarsanaayeen qoraalladaas ayaa yidhi: “Haa, wuu ila soo xidhiidhay. Isla markii ay dhamaatay ciyaartu, wuxuu iisoo diray waji qoslaya oo sawir emoji ah.”

England ayay sugaysaa ciyaar adag iyagoo qaabbilaya mid ka mid ah waddamada colaadda weyn ee ciyaareed ka dhaxayso, laakiin Henderson ayaa muujinaya kalsooni uu ku qabo ciyaartoyda da’yarta u badan ee England oo uu tibaaxay in ay cabsi la’aan ku ciyaarayaan.

“Waxa aanu haysanaa ciyaartooyo da’yar ah, waana arrin wanaagsan. Inta badan wiilashan way baxaan oo ay ciyaaraan, waxay ku raaxaystaan ciyaarta, cabsi la’aan ayaanay ku ciyaaraan. Taas ayaa ah waxa aanu u baahanahay in aanu samayno Salaasada.”

Xusuusta xun ee kulanka England iyo Germany xambaarsan yahay, waxa middii ugu dambaysay ay ahayd sannadkii 1996 oo Euro ay ku kulmeen, isla markaana rikoodheyaal uu ku badiyey xulk Germany. Sidoo kale, Koobkii Adduunka 1990 ee lagu qabtay Talyaaniga ayuu Jarmalku rikoodheyaal ku garaacay Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here