Madaxwayne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris oo Booqaneysa Xadka Dalka Meksiko.

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxwayne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris ayaa markii ugu horeesay Maalinta Beri  booqanaysa xadka koonfureed ee uu Maryakanku la wadaago dalka Meksiko.

Kamala Harris ayaa dhanka kale wajahaysa su’aalo ku aadan sababta ay xadkani u booqan waysay tan iyo markii ay xafiiska timid.

Sidoo kale booqashadeedan ayaa kusoo beegmaysa todobaad kadib markii uu madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump sheegay in uu booqanayo xadkan 30’ka bishan Juun.

Xadka uu Meksiko lawadaago Maraykanka ayaa ah halka ay kasoo galaan muhaajiriinta ugu badan ee magan galyo doonka ah ee galaya dalka Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here