Dowladda Sucuudiga oo markii labaad Fariin lawadaagtay Muslimiinta dunida. 

0
143

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Sucuudiga ayaa markii labaad soo saartay go’aan ah in Muslimiinta ku nool daafaha caalamka aysan sannadkan xajin karin, taas oo ah tallaabo looga hortagayo faafitaanka cudurka Covid-19.

Muslimiin badan oo ku nool caalamka ayaa sannadkan isku diyaarinayay soo gudashada acmaasha xajka, ka hor inta uusan saameyn go’aanka ka soo baxay dowladda Sucuudiga.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka codsatay dhammaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida in ay dulqaad muujiyaan islamarkana ay dib u dhigtaan qorshahooda Xajka iyo Cumrada ee sannadkan.

Balse in Muslimiinta ku nool dunida ay labo sano isku xigto xajin waayaan waxaa ka dhashay muran badan. Dadka qaar waxay soo daliishanayaan axaadiis sheegaya in nebiga (NNKH) uu dadka faray in ay xajiyaan ka hor inta aanan laga hor istaagin xajka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here