Kooxda Barcelona Oo Xaqiijisay In Qalliin Lagu Sameeynayo Ousmane Dembele.

0
135

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in laacibka reer France ee Ousmane Dembele uu dhaawac kasoo gaadhay jilibka lugta midig, uuna u baahan yahay in lagu sameeyo qalliin.

Dembele ayaa dhaawac kasoo gaadhay kulankii xulka qaranka France iyo Hungary ee tartanka Euro, taas oo uu soo galay daqiiqaddii 58aad hase yeeshee la beddelay waxyar markii uu ku jiray garoonka.

Barcelona ma sheegin muddada uu Dembele ka maqnaan doono garoomada, balse warbaahinta Faransiiska ayaa qiyaastay muddada ay laacibkan ku qaadanayso inuu kasoo kabto dhaawacn.

Wargeyska L’Équipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska ayaa sheegay in qalliinka lagu samayn doono Ousmane Dembele uu dhici doono toddobaadyada soo socda, isla markaana uu garoomada ka maqnaan doono muddo afar bilood ah.

Wargeyska ayaa intaa ku daray, in lagu qali doono waddanka Finland oo labadii jeer ee hore ee September 2017 iyo February 2020 lagu qalay, markii saddexaadna isla halkaas uu qalliinkiisu ka dhici doono.

Qalliinka lagu samaynayo Dembele ayaa noqonaya midkii saddexaad ee uu galo intii uu Barcelona yimid sannadkii 2017, waxaanay taasi hoos u dhigaysaa horumarkiisii ciyaareed ee ay wiiqeen dhaawacyada tirada badan.

Xilli ciyaareedkii u dambeeyey ayuu kooxdiisa u saftay 44 kulan oo dhamaan tartamada ah, waxaanu u dhaliyey 11 gool.

Dhaawacan u dambeeyey ee qalliiinka uu u gelayo Ousmane Dembele ayaa kusoo beegmaya xilli uu qandaraaskiisa Barcelona sii dhamaanayo oo 12 bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin.

Warbaahinta Spain ayaa usbuucyadii u dambeeyey sheegayay in kooxdu ku wargelisay Dembele inuu heshiis cusub saxeexo haddii kalena uu xagaagan iska tago, laakiin dhaawacan ayaa la filayaa inuu isbeddel ku sameeyo xaaladda ciyaartoygan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here