Xulka Ingariiska Oo U Soo Gudbay Wareega 16ka Euro 2020 Iyagoo Aan Ciyaarin

0
203

JOWHAR (Radioisnaay) Xulka England ayaa u soo baxay wareega 16ka Euro 2020 ka hor 24 saacadood inta aysan dheelin kulankooda ugu danbeeya Group D ee ay la ciyaarayaan xulka Czech Republic.

Xulka Three Lions ayaa afar dhibcood ka helay labadii kulan ee ay ciyaareen wareega group-yada iyagoo garaacay Croatia islamarkaana barbaro la galay Scotland.

Laakiin natiijooyinkii caawa ayaa la micno ah inay England u gudubtay wareega xiga madaama ay hubaal u noqotay inay ugu yaraan ka mid noqonayaan xulalka kaalinta seddexaad ku soo baxaya.

Afar ka mid ah lixda xul ee ku dhameysta kaalinta seddexaad ayaa u gudbi doona wareega 16ka, iyadoo England ay ka mid noqon doonto xitaa haddii aysan badinin kulanka berri.

Austria ayaa garaacdat Ukraine taasoo la micno ah in xulka kaalinta seddexaad ee Group C ee Ukraine inay leeyihiin seddex dhibcood.

Belgium ayaa iyadana garaacday Finland halka Denmark ay dubatay Russia taasoo la micno ah in xulka kaalinta seddexaad ee Group B inay ku dhameysanayaan seddex dhibcood oo ah hal dhibic in ka yar wadarta dhibcaha xulka England oo kulan uu u harsan yahay.

Iyadoo Croatia iyo Scotland ay ciyaarayaan habeen danbe, booska ugu hooseeya ee ay England ku dhameysan karto waa kaalinta seddexaad iyagoo leh afar dhibcood.

Taasoo la micno ah inay haatan hubaal u tahay inay u soo gudbeen wareega xiga madaama ay qeyb ka yihiin afarta xul ee ku soo baxaya kaalimaha seddexaad.

England waxay weli fursad u heysataa inay ku dhameysato kaalinta 1aad ama labaad ee Group D taasoo ku xiran natiijada kulankooda habeen danbe ee xulka Czech Republic.

Sharciga ay England ku soo baxday:

Sida sharciga yahay waxaa wareega 16ka Euro 2020 u soo gudbaya xulalka ku dhameysta kaalinta 1aad iyo 2aad ee group walba. Taasoo la micno ah in lixda Group ee A ilaa iyo F inay ka soo baxayaan 12 kooxood. Madaama wareega xiga uu yahay wareega 16ka, waxaa kooxaha kaalimaha 1aad iyo labaad ku soo biiraya afarta xul ee ugu fiican lixda xul ee kaalimaha seddexaad ku dhameysta group-yada oo dhan.

Madaama haatan la xaqiijiyay in labo xul oo kaalinta seddexaad ku dhameystay ay leeyihiin min seddex dhibcood, islamarkaana England ay leedahay afar dhibcood iyadoo weli uu kulan u harsan yahay, xitaa haddii laga badiyo waxay ku soo baxayaan kaalinta seddexaad.

Wareega 16ka waxaa u soo gudbaya 12ka xul ee ku dhameysta kaalimaha 1aad iyo labaad ee Group-yada A, B, C, D,E,F iyo afarta xul ee ugu fiican lixda xul ee ku dhameysta kaalinta 3aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here