France, Sweden, Czech Iyo Shan Waddan Oo Xalay Iyagoo Aan Ciyaarin U Gudbay Wareegga 16ka Kaddib Natiijooyinkii Group B & C

0
154

JOWHAR (Radioisnaay) Maaha England oo kaliiya waddamada xalay sida rasmiga ah u xaqiijistay inay u gudbeen wareegga 16ka tartanka qaramada Yurub iyagoo aan ciyaarin kaddib markii ay soo baxeen natiijooyinka kama dambaysta ah ee Group-yada B iyo C.

Shan waddan oo aan ciyaarin kulamadoodii saddexaad oo isbeddel ku iman karayo boosaska ay ku jiraan amaba u dhici karaya kaalmaha saddexaad ayaa si rasmi ah loogu xaqiijiyey inay u gudbayaan wareegga xiga.

Faransiiska oo afar dhibcood ka helay Group-ka dhimashada ee ay kula jiraan Germany, Portugal iyo Hungary ayaa xaqiiqsaday inuu u gudbay wareegga xiga xataa haddii laga badiyo ciyaarta hadhay, iyadoo Portugal iyo Germany oo min saddex dhibcood leh ay suurtogal tahay inay yeeshaan min lix dhibcood haddii ay ka kala badiyaan Hungary iyo France.

Portugal ayaa kulanka ugu dambeeya hormadan waxa uu la ciyaari doonaa France, halka Germany ay ballansan yihiin Hungary, laakiin kaliya qasab ma aha inay badiyaan, waxayse xataa kusoo gudbi karayaan barbarro ay galaan oo suurtogal uga dhigaya inay yeeshaan min afar dhibcood.

England iyo Czech Republic ayaa iyagana si rasmi ah loogu xaqiijiyey inay u gudubtay wareegga 16ka xataa iyagoo aan ciyaarin, maadaama ay soo baxday natiijooyinka hormooyinka B iyo C. Sidan oo kael, waxa soo gudbay Sweden oo ku jirta Group oo haysata afar dhibcood, waxaanay sugaysaa midka soo raacaya Slovakia, Spain ama Poland. Si la mid ah, waxa booskeeda wareegga 16ka heshay Switzerland oo kaalinta saddexaad ka gashay hormada A oo ay hore uga soo gudbeen Talyaaniga iyo Wales.

Sidee ayay kusoo gudbeen waddamadani?

Sida uu dhigayo sharciga UEFA, 12ka kooxood ee kaalmaha koowaad iyo labaad ka gala lixda Group ee A illaa F ayaa ayaa si toos ah ugu soo gudbaya wareegga 16ka, waxaana loo baahnayaa in la helo afar dal oo kaalmaha saddexaad ka galay hormooyinkoodii, laakiin ahaa kuwa ugu fiican ee dhibcaha ugu badan kusoo dhamaystay.

Sidaas darteed, waddamada aan wali hormooyinkooda lagu kala bixin ee France, Sweden, England iyo Czech Republic meesha ugu hoosaysa ee ay ku dhamaysan karaan waa kaalmaha saddexaad, haddii ay sidaasi dhacdana waa kuwa ugu wanaagsan ee boosaskaas geli karaya, sidaas ayaanay damaanad ugu haystaan inay u gudbeen 16ka.

Inkasta oo dalalkani ay kaalmaha koowaad ama labaad kusoo gudbi karayaan, haddana waxa min afarta dhibcood ee ay haystaan ay haddaba usii caddaynaysaa inay soo gudbeen.

Xisaab ahaan, waddamada kaalmaha saddexaad galay ee Finland iyo Ukraine, wali may quusanin maadaama ay haystaan min saddex dhibcood, sababtuna waxay tahay inay jiri karayaan dalal kaalmaha saddexaad ka gala hormooyinka D iyo E oo heli kara dhibco ka hooseeya inta ay haystaan oo ah min saddex dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here