Madaxweynaha Dalka oo ka hadlay heshiiska Ganacsi ee Somalia & Itoobiya

0
142

JOWHAR (Radioisnaay) Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo heer gobol ah oo loo iib geeyo waxsoosaarka dalkeenna ay kor uqaadeyso dhaqaalaha dalka, fursadaha shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo heer nololeedka shacabkeenna.

Farmaajo oo warbixin ka dhageystay Wasiirrada Wasaaradaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame, Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Durraan Axmed Faarax ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in ganacsiga kala dhexeeya dalkeenna dalalka dariska uu ku saleysan yahay isu dheellitirnaan iyo waxwada qabsi , iyada oo ganacsatada Soomaaliyeed ay helayaan dheef-dhaqaale oo u dhiganta tan dhiggooda badeecadaha keensada dalka.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Durraan Axmed Faarax ayaa sheegay in fursadaha iskaashiga ganacsi ee dalalka dariska ah ay barbar socdaan dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isu dheellitirka ganacsiga aan la wadaagno dalalka dariska ah iyo xoojinta wax-soosaarka, taas oo suurta gelinaysa in dalagyada iyo wax-soosaarka dalka ay ka muuqdaan suuqyada dalalka Gobolka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey suuqa ganacsi ee u soo kordhay kalluumaysatada Soomaaliyeed, waxa uuna xaqiijiyey in la joogo waqtigii aynu kula tartami lahayn dalalka gobolka waxsoosaarka gudaha dalkeenna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here