Barlamaanka Sweden oo kalsoonida kala laabatay Dowladda wadankaasi.

0
127

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Baarlamaanka Sweden ayaa kalsoonidii kala laabtay raisal wasaare Stefan Lofven kadib markii Mooshin la horgeeyay baarlamaanka.

Guud ahaan 181 ka mid ah 349 mudane ayaa u codeeyay mooshinka, 51 ayaa ka aamustay. Waa markii ugu horeysay taariikhda Sweden ee raiisul wasaare lagu rido codeyn noocan ah.

Hogaamiyaha xisbiga Sooshal dimuqraadiga ayaa heysta mudo todobaad ah inuu is casilo ama uu ku dhawaaqo doorasho deg deg ah.

Go’aanka ayaa yimid kadib markii khilaaf ka dhashay xakameynta kirada ay keentay in xisbiga Bidixda ay ka laabtaan taageeradooda isbaheysiga.

Natiijadu waxay ka dhigan tahay burbur ku yimid dowladdii isbahaysiga tirada yar ee Sooshal dimuqraadiga iyo xisbiga cagaaran.

Haddii ra’iisul wasaaruhu go’aansado inuu xilka ka dago, afhayeenka baarlamaanka wuxuu ku qasbanaan doonaa inuu bilaabo wadaxaajoodka dhinacyada kala duwan si uu u soo dhiso dowlad cusub.

Xisbiga Bidixda Swedan ayaa ku baaqay codka kalsoonida asbuucii la soo dhaafay iyadoo khilaaf uu ka taagnaa soo jeedinta in la joojiyo kirada guryaha kirada ah ee guryaha cusub. In kasta oo xisbiga Mr Lofven aanu taageersanayn tallaabadaas, haddana waxay oggolaadeen inay tixgeliyaan qorshayaasha lagu qancinayo xisbiyada kale ee mucaaradka ah.

Codbixinta waxaa soo jeediyay xisbiga wadaniga ah ee Sverigedemokraterna waxaana taageeray laba xisbi mucaarad oo midig dhexe ah.

Dowlad kasta oo cusub waxay sii jiri doontaa inta laga gaarayo doorashooyinka guud, kuwaasoo lagu wado inay dhacaan bisha Sebtember ee sannadka soo socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here