Ra’iisul Wasaare Rooble oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay Arrimaha doorashada

0
133

JOWHAR (Radioisnaay) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka labada dalka iyo arrimaha doorashooyinka dalku galayo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Danjire Kate Foster uga mahad celiyay taageerada ay dowladda Ingiriiska siiso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dowladda Britain ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana ay ka caawisaa Arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka iyo Amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here