Ingiriiska Oo Lumiyey Fursad Uu Wareegga 16ka Ugu Gudbi Lahaa, Scotland Oo Ku Dhegtay Iyo GROUP D Oo La Isku Dheggan Yahay

0
179

JOWHAR (Radioisnaay) Xulka qaranka England ayaa lumiyey fursad uu ugu gudbi lahaa wareegga 16ka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, kaddib markii ay barbar-dhac goolal la’aan ah garoonkooda Wembley Stadium kula galeen xulka Scotland oo marti u ahaa.

England ayaa noqon lahayd waddanka u horreeya Group D ee u gudba wareegga 16ka, iyagoo yeelan lahaa lix dhibcood, laakiin waxay hadda fadhiyaan kaalinta labaad ee hormadan iyagoo ka dambeeya Czech Republic oo ay isku dhibco yihiin kulanka dambena ay ballansan yihiin.

Tababare Gareth Southgate ayaa ciyaartan kusoo bilaabay saf adag oo labadii difaac ee ciyaartii hore uu fadhiisiyey ee Reece James iyo Luke Shaw ay hormood u yihiin, sidoo kalena ay joogaan Harry Kane, Raheem Sterling iyo Phil Foden, hase yeeshee waxay awoodi waayeen inay shabaqa Scotland ay gaadhaan.

Ingiriiska ayaa birta garaacay qaybtii hore, iyadoo John Stones uu u dhowaaday inuu hoggaanka u dhibo xulka qarankiisa. Waxaana koornihii ugu horreeyey kulanka ay ku heleen markii uu Mason Mount ku celiyey kubbad birta kasoo boodday, isla markaana uu madax dhow ku qabtay Stones, laakiin waxyar goolka dhinac ka martay.

Reece James ayaa kubbad heersare ahayd u dhiibay Harry Kane, laakiin laacibkan ayaa istuuris lala-yaabay oo dadka soo xasuusisay middi John Terry ee Koobkii Adduunka 2010 oo kale sameeyey, balse si kastaba, waxa lagu qaaday offside.

Raheem Sterling ayaa ku dooday in rikoodhe la siiyo kaddib markii ay xerada ganaaxa isku dhaceen Robertson, balse garsooraha ayaan wax dan iyo muraad ah ka gelin dooddaas.

Daqiiqadihii ugu dambeeyey ciyaarta ayay England xerada ganaaxa Scotland geystay kubbad halis ahayd oo u dhowaatay inay goolka gasho, taas oo ciyaartoyda labada kooxoodba kusoo wada urureen, isla markaana weyday cid shabaqa ku leexisa, dhamaadka waxa kubadda iska saaray McGinn.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ah oo ay dhibcaha ku qaybsadeen labada waddan ee Scotland iyo England oo kulankooda lagu tilmaamo ‘Derby’.

Czech Republic ayaa hoggaanka u haysa Group-kan D, waxaanay leeyihiin afar dhibcood iyo laba gool, halka Ingiriiska oo labaad ku jiraana haystaan afar dhibcood iyo hal gool, iyaga ayaana wada ciyaari doona kulanka ugu dambeeya hormadoodan.

Croatia iyo Scotland ayaa haysta min hal dhibic, waxaanay labadan oo wada ciyaari doona uu mid walba ku dagaallami doonaa in uu ku badiyo goolal badan, si ay fursad uga helaan England iyo Czech midkooda laga badiyo. Laakiin haddii labadan dambe ay barbarro galaan iyaga ayaa u gudbaya wareegga 16ka, haddii labada kale ee wada ciyaarayaa ay barbarro galaanna sidaas ayay isla labada hoggaanka hayaa ku bixi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here