Dowladda Sudan oo Khadka Internetka Ujartay Ardayda Awgeed.

0
141

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka Isgaarsiinta dalkaasi, Enjineer Haashim Xasab Al-Rasuul ayaa ku dhawaaqay in Khadka Inernetka ee Mobaylka la jari doono saacadaha ay socdaan Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare ee dalkaasi oo Maanta bilowday.

Waxa uu tilmaamay in maalmaha ay socdaan Imtixaanaadka la jari doono Khadka Internetka muddo 3 saacadood, laga bilaabo 8-da Aroornimo ilaa 11-ka Barqanimo, si looga hortago Qishka Ardayda.

Go’aanka lagu jaray Khadka Internetka waxaa wada gaaray Wasaaradaha Tacliinta, Isgaarsiinta, Xeer-ilaalinta Guud iyo Shirkadaha Isgaarsiinta ee dalkaasi.

Sanad-dugsiyadeedkii hore Sudan oo kale ayaa loo Xanibay Khadka Internetka maalmihii ay socdeen Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare ee dalkaasi, balse sanadkii ka sii horeeyey Ardayda waxay ka faa’ideysteen Internetka, iyagoo Mobaylada isugu gudbinayey Qishka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here