Netherlands oo noqotay Dalkii saddexaad ee u gudba wareegga 16ka tartanka  Yurub Euro 2020.

0
169

Jowhar – (Radio Isnaay ) – Xulka qaranka Netherlands ayaa noqday waddankii saddexaad ee u gudba wareegga 16ka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, kaddib markii ay 2-0 kaga badiyeen Austria.

Holland ayaa ka hadhay oo aan kasoo qayb-gelin labadii tartan ee waaweynaa ee u dambeeyey ee Koobka Adduunka 2018 iyo Euro 2016, waxayse lasoo baxday dardar iyo awood ay sannadkan ku muquunisay labadii xul ee ay lasoo ciyaareen illaa hadda, taas oo u xaqiijisay inay iska xaadiriyaan wareegga 16ka oo ay hore ugu gudbeen Talyaaniga iyo Belgium.

Daqiiqaddii 11aad ee ciyaarta ayuu Memphis Depay rikoodhe hoggaanka ugu dhiibay dalkiisa kaddib markii uu kabtanka Austria ee David Alaba uu ciyaartoy kale lugta kaga istaagay, waxaana laga soo hubiyey VAR iyadoo uu garsooruhu qaban waayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here