Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan dowladda Mareykanka.

0
127

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un ayaa sheegay in dalkiisa uu u baahan yahay inuu isku diyaariyo “wada xaajood iyo dagaal” lala galo Mareykanka, iyo “gaar ahaan inuu si buuxda isugu diyaariyo iska hor imaad”.

Tani waa markii ugu horreysay ee Kim Jong-un uu si toos ah uga hadlo maamulka Madaxweyne Joe Biden.

Kuuriyada Waqooyi ayaa goor sii horreysay gaashaanka u daruurtay dadaallada dowladda cusub ee Mareykanka ee lagu hirgelinayo wada hadallada diblomaasiyadeed.

Mareykanka ayaa ugu baaqay Kuuriyada Waqooyi in ay joojiso barnaamijkeeda hukliyeerka.

Balse xukuumadda Pyongyang ayaa dhowr jeer diidday, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo cunno qabateynno dhaqaale oo xooggan ku soo rogtay dalkaas ku yaalla koofurta Aasiya, sababo la xiriira tijaabooyinka nukliyeerka.

Kim ayaa ka hadlayay shir uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha sare ee dalkaas, oo toddobaadkan dhexdiisa ka bilowday caasimadda Pyongyang.

Wuxuu sheegay inay u baahan yihiin in “gaar ahaan si buuxda isugu diyaariyaan iska hor imaad, si loo dhowr sharafta dalka iyo danihiisa horumarka iyo madaxa bannaanida”, iyo sidoo kale n la “damaanad qaado nabad iyo ammaanka Kuuriyada Waqooyi,” sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda ee KCNA.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here