Cali Guudlaawe oo si weyn loogu soo dhoweeyay Istanbul

0
187

JOWHAR (Radioisnaay) Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gelinkii dambe maanta gaaray dalka Turkiga, waxaana si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Istanbul.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa qeyb ka ah masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Caraboow oo ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Soo dhaweynta madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, ayaa waxaa ka qeybqaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Istanbul, Ganacsato, haween, Dhalinyaro iyo qeybaha bulshada.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxaana inta uu joogo dalka Turkiga uu Kullamo la qaadan doonaa mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Istanbul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here