Soomaaliya & Qatar oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

0
128

JOWHAR(Radioisnaay) Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaaq Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa waxaa uu kulan muhiim ah la qaatay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda dalka Qatar Suldaan Bin Sacad.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal. Iyo kordhinta dowladda Qatar taageerada ay siiso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaaq ayaa uga mahad celiyay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda dalka Qatar Suldaan Bin Sacad.

Taageerada ay had iyo jeer la garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya, waxaana uu ka dalbaday inay kordhiyan maadaama dalka Soomaaliya uu yahay mid  soo maraydhibaatooyin kala duwan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo kusugan Doxa ayaa si gooni goni ah ula kumay qaar ka mid ah wasiiradda arimaha dibadda ee dalalka Carbta, isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here