Paul Pogba Oo Halis Ugu Jira In Laga Ganaaxo EURO 2020 & Ficilka Mamnuuca Ah Ee Uu Sameeyey.

0
208

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Paul Pogba ayaa halis ugu jira in laga ganaaxo tartanka qaramada Yurub ee UEFA, kaddib markii uu xalay jabiyey sharciga xakamaynta Fayraska Korona ee ay dejisay UEFA.

Paul Pogba oo wacdaro ka dhigay kulankii dalkiisu guusha dirqiga ah kaga gaadhay Germany oo ay ku wada ciyaareen magaalada Munich, taas oo uu laacibkani ahaa furaha goolkii uu iska dhaliyey Mats Hummels.

Laacibkan ayaa kubbad baas fog oo dhinaca kale ah waxa uu u tuuray Lucas Hernandez oo isaguna kubadda soo mariyey goolka isagoo la doonayay Kylian Mbappe, hase yeeshee Hummels ayaa isku qabtay xilli uu isku dayayey inuu badbaadiyo.

Isagoo garab ka helaya N’Golo Kante, Pogba ayaa noqday ciyaartoygii ugu wanaagsanaa garoonka, waxaana farxaddii guusha iyo in uu ahaa xiddigii ugu wanaagsanaa kulanka uu ugu dabbaal-degay qaab waalli ah oo uu xataa illoobay inuu tixgeliyo sharciga UEFA ee xakamaynta fayraska korona.

Sida uu sheegay telefishanka BeIN Sports, xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa baadhitaan ku samaynaya Paul Pogba, waxaana uu waajihi karaa ganaax.

Pogba ayaa lagu haystaa in uu u tegay taageereyaasha oo uu siiyey garankii/maaliyaddii uu ku ciyaarayay, taas oo ahayd wax aan la ogolayn maadaama uu wali adduunyada ka jiro Korona Fayras oo dhawrsanaan iyo taxadarku wali shaqaynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here