Kulamadii Koowaad Ee EURO 2020 Oo Soo Dhamaaday Iyo Qiimaynta Waddanka Ugu Cadcad Koobka.

0
144

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kulamadii hore ee tartanka qaramada Yurub ee Euro ayaa lasoo gabo-gabeeyey, waxaana durba soo baxday qiimaynta sida ay waddamadu ugu kala horreeyaan hanashada koobka iyo sida ay u kala awood badan yihiin.

Tartankan oo soo bilowday June 11, laguna daahfuray Talyaaniga iyo Turkey ayaa waddan walba waxa uu ciyaaray hal kulan, waxaana u hadhsan min laba ciyaarood oo wareegga groups-ka ah, kuwaas oo lasoo gunaanadi doono June 23.

Euro 2020 oo soconaya muddo bil ah, lana soo afjarayo July 11, waxa la sugayaa in afarta waddan ee ugu dambeeya ay isla tagaan garoonka qaranka England ee Wembley oo lagu ciyaari doono Semi-finalka iyo finalka.

24ka waddan ee ka qayb-gelaya tartankan ayaa la qiimeeyey sida ay tahay awooddooda ay ku qaadi karayaan koobka, waxaana kaalinta koowaad ku jira Faransiiska oo 1-0 kaga badiyey Jarmalka, waxaana ku xiga Belgium halka Portugal oo xasuuqay Hungry uu kaalinta saddexaad soo galay.

Halkan kaga bogo qiimaynta iyo sida waddamadu ugu kala horreeyaan hanashada Euro:

  1. North Macedonia | Kaalintii ay hore ugu jireen: 22aad
  2. Hungary | Kaalintii ay hore ugu jireen: 21aad
  3. Scotland | Kaalintii ay hore ugu jireen: 20aad
  4. Russia | Kaalintii ay hore ugu jireen:18aad
  5. Finland | Kaalintii ay hore ugu jireen: 24aad
  6. Poland | Kaalintii ay hore ugu jireen: 13aad
  7. Wales | Kaalintii ay hore ugu jireen: 19aad
  8. Slovakia | Kaalintii ay hore ugu jireen: 23aad
  9. Ukraine | Kaalintii ay hore ugu jireen: 15aad
  10. Austria | Kaalintii ay hore ugu jireen: 17aad
  11. Croatia | Kaalintii ay hore ugu jireen: 14aad
  12. Turkey | Kaalintii ay hore ugu jireen: 10aad
  13. Switzerland | Kaalintii ay hore ugu jireen:11aad
  14. Denmark | Kaalintii ay hore ugu jireen: 8aad
  15. Sweden | Kaalintii ay hore ugu jireen: 12aad
  16. Czech Republic | Kaalintii ay hore ugu jireen: 16aad
  17. Germany | Kaalintii ay hore ugu jireen: 6aad
  18. Spain | Kaalintii ay hore ugu jireen: 7aad
  19. Netherlands | Kaalintii ay hore ugu jireen: 9aad
  20. England | Kaalintii ay hore ugu jireen: 4aad
  21. Italy | Kaalintii ay hore ugu jireen: 5aad
  22. Portugal | Kaalintii ay hore ugu jireen: 3aad
  23. Belgium | Kaalintii ay hore ugu jireen: 2aad
  24. France | Kaalintii ay hore ugu jireen: 1aad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here