Xaqiiqooyin Muhiim ah Oo Ku Saabsan Kulanka Ugu Adag Euro Ee France vs Germany Iyo Xogtii U Dambaysay.

0
171

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kulanka ugu adag tartanka qaramada Yurub ee illaa hadda ayaa waxa uu caawa dhex-marayaa labada waddan ee Faransiiska iyo Jarmalka, waana ciyaar aad loo sugayo oo la qiimaynayo awoodaha labada waddan.

Tababaraha xulka qaranka Faransiiska ayaa xaqiijiyey, in labada weeraryahan ee Kairm Benzema iyo Antoine Giezmann oo dhaawacyo qabay, shakina la gelinayay kulankna ay taam u noqdeen in ay ciyaaraan caawa.

Benzema iyo Greizmann ayay dhaawacyo kasoo gaadheen ciyaartii saaxiibtinimo ee Salaasadii ee Bulgaria, waxaana midka laga dayrinayay uu ahaa Benzema oo kusoo laabtay tababarka.

Germany ayaa  waxa  iyagana ka maqan xiddiga khadka dhexe ee Leon Goretzka oo dhaawac ah, laakiin waxa taam ah Ilkay Gundogan iyo Toni Kroos oo qayb ka ahaa safkii xasuuqa 7-1 u geystay Latvia June 7.

Saadaasha Mark Lawrenson ee kulankan

Khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson ayaa saadaaliyey kulankan, waxaana adkaatay inuu kala saaro. Faransiiska oo haysta ciyaartooyo badan oo waayo arag kusoo noqday guushii koobka adduunka iyo qaybtii ay kasoo qaateen tartanka qaramada Yurub ee 2016, ayaa waxay waajahayaan Germany oo ay qayb ka yihiin xiddigo soo ciyaaray Koobkii Adduunka 2014 kuna soo guuleystay.

Saadaasha Lawro: France 1-1 Germany 

XAQIIQOOYINKA KULANKA

Kulamadii ay iska hor yimaaddeen

  • Kulankan ayaa noqonaya markii lixaad ee ay France iyo Germany ku kulmaan tartatan weyn, laakiin waxa uu dhinaca kalena noqonayaa ciyaartii ugu horreysay ee marxaladda koowaad ee Groups-ka ah. Illaa hadda, labada kooxood ayaa ka siman guulaha, waxaanu mid walba haystaa laba guulood iyo hal mar oo ay barbarro galeen.
  • France iyo Germany mar kaliya ayay ku kulmeen tartanka qaramada Yurub, waxaanay ahayd semi-finalkii 2018 oo Faransiisku ku badiyey 2-0, waxaana labadaas gool dhaliyey Antoine Griezmann.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here