Madaxda gaashaanbuurta NATO oo ku kulmay Wadanka Belgium.

0
198

Jowhar (Radio-Isnaay)- Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, oo ka qeybgalaya shirka madaxda gaashaanbuurta NATO uga socda magaalada Brussels, ayaa la kulmay madax ay ka mid yihiin, Joe Biden iyo Emmanuel Macron

Erdogan wuxuu madaxdan kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka.

Madaxweynaha Turkiga, wuxuu sheegay in kulan uu la qaatay Biden uu ahaa mid ‘daacad laga ahaa oo wax ku ool ahaa.’

Dhanka kale, madaxweyne Erdogan oo markii ugu horreysay, in ka badan muddo sanad ah, la kulmay madaxweynaha Faransiiska, Macron, waxay isku soo hadal qaadeen arrimaha Liibiya iyo islaamka.

Ka dib kulanka Erdogan oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in Macron uusan ka soo horjeedin diinta Islaamka, balse uu yahay saaxib dhab ah. Wuxuu intaas ku daray in arrintaas ay kasii wadahadli doonaan.

Erdogan oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri: “Wuxuu Macron ii sheegay in ‘uusan ka soo horjeedin Islaamka’. Waxaan idiin sheegayaa in uu yahay saaxib, waanna kasii wadahadli doonnaa arrintani.”

Madaxweyne Macron, wuxuu tilmaamay in Erdogan uu xaqiijiyay in uu doonayo in Libiya laga soo saaro dhammaan dagaalyahannada calooshood u shaqeystayaasha ah iyo malleeshiyaadka shisheeye.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here