Wasaaradda waxbarashada oo waxbarasho lacag la,aan ah siinaysa 57000 oo arday

0
285

JOWHAR (Radioisnaay) Wasaaradda waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo hey’adda CARE International ayaa kala saxiixday mashruuca wax Bar Caruurtaa oo ay ka faaideysan doonan 57000 oo ah caruurta Somaliyeed ee aan aadin school/waxbarasho.

Wasaaradda waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Federaalka Somalliya iyo hey’adda CARE Internatonal ayaa magaaladda Muqdishu ku kala saxiixday mashruuca loo yaqaano wax bar caruurtaada (Educate your Children),oo ay iska kaashanayaan wasaaradda Waxbarshadda iyo He’adda CARE kaasi oo kordhin doona tirada ardayda Somaaliyeed ee aadaya goobaha waxbarshadda lana qorsheeyay in lagu kordhiyo caruurta hadda waxbarata tiro gaareysa 57000 oo arday.

Mashruucaan ayaa waxaa wasaaradda waxbarshadda u Saxiixay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta XFS mudane Maxamed Caabi Xasan iyo maamulaha mashaariicda waxbarshadda, hurumarinta ee Hey’adda CARE International u qaabilsan Somaaliya mudane Ibraahim Maxamed Nuur, inta uu socdo mashruucaan ayaa waxaa maalgelinaya Educate a child of Qatar Foundation ee Dowladda Qatar oo soo marsiisay hey’adda CARE International.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here