Reysal Wasarahii Israa’iil Netanyahu oo Xilkii laga Qaaday.

0
153

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Benjamin Netanyahu ayaa xilkiisii waayay 12 sano kaddib markii uu hayay awoodda Israa’iil. Baarlamaanka Israa’iil ayaa cod ay ku taageerayaan siiyay dowlad isbahaysi oo cusub .

Naftali Bennett oo ah nin ka tirsan garabka midig islamarkaana ah nin ay waddaniyaddu madax-martay ayaa loo dhaariyay raii’sul wasaaraha cusub ee Israa’iil.

Mr Netanyahu ayaa dhankiisa qaadacay isbahaysiga cusub ee ay xisbiyada mucaaradku dhisteen.

Sida ku cad heshiiska awood qeybsiga, Naftali Bennet- oo ah nin diinta iyo waddaniyaddu ay ku wayn tahay ayaa muddo labo sano ah xilka rai’sul wasaaraha hayn doona waxaana kaddib kala wareegi doona hoggaamiyaha xisbiga dhexe Yair Lapid .

Markii ay baarlamaanka ay u codeeyeen isbahaysiga cusub ayaa waxaa markiiba xilka loo dhaariyay Naftali Bennet.

Kaddib dhaarintiisa ayaa waxaa uu kulan la qaatay golaha wasiirrada ee isbahaysiga cusub.

Naftali Bennett oo hadal u jeediyay golihiisa wasiirrada ayaa sheegay in shaqo culus ay hortaallo islmarkaana ay tahay in Israa’iil ay horey u socoto.

“Maalmo cusub ayaan bilaabaynaa, waana kuwo adag haddii aan niraahno kama aanan badbadin, dowlad midnimo ayaa inaga dambeysa, hadda dhammaan shacabka Israa’iil way na eegayaan waana in aan fulinaa wixii aan ballan qaadnay, annaga oo wada jirna ayaan tallaabo qaadaynaa, annaga oo kaashanayna islamarkaana qaadanayna

mas’uuliyada in aan bogsiinno wixii na kala gaaray dalkana aan isu keenno oo aan dib u howlgalinno kaddib muddo dheer oo curyaamin iyo is qabqabsi uu jiray, hore ayaan u soconaynaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here