Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay duulimaadyada Kenya ee bilaawday

0
183

JOWHAR(Radioisnaay) Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in farsamo ahaan loo furey hawada Soomaaliya duulimaadda ka imaanaya Kenya.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in iyagu ay ku eg yihiin awood ahaan dhanka farsamada, halka jaangoynta siyaasadda ay dowladda u qaabilsan tahay wasaaradda arrimaha dibadda.

Waxaa saaka dib u bilowdey duulimaadyadii tooska ahaa ee labada wadan ee Kenya iyo Soomaaliya kadib markii dawladda Kenya ay qaaday xayiraadii ay ku soo rogtay bishii May.

Xiligaa wixii ka danbeeyey duulimaadyada ka imanayey Soomaaliya ama ka tagayey Kenya waxaa lasoo darsey caqabad weyn, dadweyne siyaabo kala duwan u socdaali jirey ayaaney u suuroobin safaradoodii.

Xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayey dhawrkii sano ee uggu dambeeyay, iyadoo labada dhinac midba midka kale uu ku eedeynayey mas’uuliyadda dhibaatada ka dhex aloosan.

Waxaa jira qasaaro soo saarey ganacsatada iyo dowladdaha labadan dal, in kastoo aanan wali lasoo saarin cadadda iyo qeybaha ay sida gaarka ah u taabteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here