Dowladda Koonfur Afrika oo ceyrisay diblumaasiyiin u dhashay Malaawi

0
140

JOWHAR (Radioisnaay) Dowladda Koofur Afrika ayaa diblumaasiyiinta u dhashay dalka Malawi ee ku sugan dalkeeda u qabatay iney 72 saac gudahood dalka kaga baxaan.

Sababta ayaa lagu sheegay in diblumaasiyiintaan qaarkood lagu helay dembiyo ah iney ku lug lahaayeen ka ganacsiga daroogada aan canshuurta laga qaadin ee Khamriga iyo Alkahoolka, oo dalkaasi laga mamnuucay.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Koofur Afrika ayaa sheegay iney go’aankaan qaateen kadib maalmo ay baaritaanno wadeen, waxa uuna sidoo kale xusay in diblumaasiyiinta iyo qoysaskoodab dalka isaga baxaan.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Malawi ayaa lagu sheegay in tallaabadaan ay qaaday Pretoria ay tahay mid shalayto ah, islamarkaana aan munaasabad ku aheyn qiyamadka Diblumaasiyiinta Malawi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here