Denmark Oo Murugadii Christian Eriksen Loogu Daray Guul-darro.

0
177

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka qaranka Denmark ayay isku raaceen laba murugo kulankoodii ugu horreeyey tartanka qaramada Yurub ee Euro ee ay magaalada Copenhagen kula ciyaareen Finland.

Ciyaartan ayaa la joojiyey muddo laba saacadood ku dhow, kaddib markii uu garoonka dhexdiisa ku suuxay, koomo na galay Christian Eriksen oo cusbitaalka loola caray.

Denmark oo awoodda sare lahayd 40kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta ayaa murugo gashay markii uu Eriksen garoonka ku dhacay, waxaase ay dib ugu soo laabteen garoonka ku dhowaad laba saacadood, waxaana in ay ciyaarta dib u bilaabaan sabab u ahaa Eriksen oo lasoo hadlay, una sheegay in xaaladdiisu fiican tahay.

Shan daqiiqadood oo ka hadhsanayd qaybta hore ayaa la ciyaaray, waxaana loo baxay nasasho kooban oo garoonka dhexdiisa ka hor intii aanay qaybta labaad bilaabmin.

Denmark ayay wax badan iska beddeleen ciyaarteeda, waxaanay lumiyeen maamulkii iyo khatartii badnayd ee ay samaynayeen.

Finland oo qaybtii hore uu culays badan saarnaa, marar badanna gashay khatar ayaa qaybta dambe la timid ciyaar sarraysa, maadaama xiddigaheedu aanay murugo badan gelin, halka kuwa Denmark ay niyad ahaan u dhaawacmeen.

Daqiiqaddii 59aad ayaa kubbad uu dhinaca kasoo qaaday Jere Uronen waxa madax ku qabtay Joel  Phjanpolo oo hoggaanka u dhiibay Finland, waxaanu goolkaasi noqday midka ay ku heleen guusha kulanka.

Xulka qaranka Denmark ee martida loo ahaa ayaa rikoodhe loo dhigay daqiiqaddii 74aad, waxaana kubadda soo qaatay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Tottenham ee Pierre-Emile Hoejbjerg oo toogtay dhinaca bidix, laakiin kubadda oo diciif ahayd ayaa wax gacanta ku dhigay oo si sahlan u qabsaday goolhaye Lukas Hradecky.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here