Dayax Gacmeedka Shiinaha oo Sawiro Qurxoon ka Soo Diray Mars.

0
283

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dayax gacmeedka Zhurong ee Shiinaha ayaa soo diray sawirro uu ka soo qaaday Mars oo uu ku jiro mid “selfie” ah oo qudhiisu iska qaaday.

Dayax gacmeedka oo bishii May ku degay Marays ayaa kamarad aan xadhko lahayn dhulka dhigay ka dibna duubay muuqaal kooban oo uu dhakhso u qaaday.

Waxa dhanka midig ka xiga qalabka dayax gacmeedka sida oo lix taayir leh oo si degan u cago dhigtay dhulka.

Labada muuqaalba waxa si fiican uga muuqda calanka Shiinaha.

Muuqaal labaad oo uu dayax gacmeedku qaaday ayaa muujinaya aaladdii sidday qudhiisa.

Waxa muuqda raadka Zhurong ee dhulka uu maray iyo calaamada taayridiisu kaa tageen dhulka iyo boodhkii uu kiciyey.

Sawirka saddexaad wuxuu ka muuqdaa sheedda oo waa markuu cago dhiganayey. Gobolkan waxa loo yaqaan Utopia Planitia oo ah dhul ballaadhan oo ku yaal dhanka woqooyi ee Mars.

Muuqaaladan dhamaantood waxa baahisay wakaaladda hawada saree e Shiinaha oo ku soo bandhigtay xaflad loogu dabaal degayey guusha uu ka gaadhay sahankaa Mars.

Saynisyahannadu waxay rajaynayaan in ugu yaraan mudo u dhiganta 90 maalmood oo kuwa Mars ah inuu shaqayn doono Zhurong.

Dayaxgacmeedku wuxuu aad ugu eeg yahay ka ay wakaalada Maraykanka ee NASA dirtay ee Sprit la yidhaa iyo Opportunity ee sannadihii 2000.

Miisaankiisu waa 240 kg. wuxu leeyahay bir dheer oo kamaraduhu ku xidhan yihiin oo qaadda sawirrada iyo qalab hagidda ah. Shan kale oo dheeraad ah oo iyagana loogu talo galay baadhitaanka macdanaha ku jira dhadhaabaha Mars iyo guud ahaan deegaanka oo cimiladuna ka mid tahay ayaa ku rakiban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here